YOUR VOICE MATTERS |Af So on Clubhouse

YOUR VOICE MATTERS |Af So Clubhouse
28 Members
Updated: Apr 20, 2024

Description

YOUR VOICE MATTERS Waa madal u furan cid waliba oo afka soomaaliga ku hadasha, loogana hadlo mawduucyo la xidhiidha:

1- Diinta Islaamka: hadday noqoto Doodo la xidhiidha fahanka diiniga ah, ama Turxaan bixinta waxyaabaha shakiga abuura.
2- Dhacdooyinka saamaynta leh ee ka dhaca Geeska iyo Caalamkaba: hadday la xidhiidhaan Siyaasad, Sharci, Dhaqaale ama arimo kale oo bulsheed.
3- sheegidda sheekooyin u baahan in la sheego ama la maqlo.

___________________________
Hadafka madashu waa
1- helidda masrax si xor ah loogu soo bandhigi karo afkaaraha kala gedisan ee aynu xanbaarsan nahay hab cilmiyaysan oo wada sheekaysi ku qotoma.
2- ku yeelashada saamayn togan (positive) kobaca Garaadka, Hab fakarka, Aqoonta, Khibradaha iyo Xirfadaha dad la xidhiidhidhidda (Communication skills) iyo dood wanaagga.
3- Sugidda mabda'a wada noolaanshaha haba la kala afkaar duwanaadee.
___________________________

Fiiro gaar ah:
Doodaha la xidhiidha kooxa kooxaysiga caqiidada, fakarka ama sinjiga ku sulaysan waynu ka fogaan doonnaa gabi ahaanba, guud ahaanna arimaha caqiidada waynu ka fogaanaynaa intaynu karno, waxayna noqon doonaan kuwo laga fiirsaday sababahan dartood:
1- heerka suurtagalnimada Dhalinta doodo aan dhamaad lahayn oon laga salgaadhin oo sareeya.
2- iyada oo abuuri karta khalkhal caqiideed oo ka qaybqaatayaasha soo foodsaara.
3- iyada oo keensan karaysa korodhka xagjirnimada iyo colaadaha ku salaysan caqiidada.
Nidaam Xasiloon: Uma aragno in hadal ka dhexgalka, hadal iska qaadashada, buuq kicinta iyo dhammaan waxyaabaha yaraynaya is maqalka ay inoo horseedi karaan dood guul ku dhamaata. Sidaa darteed lama ogola.
Is Ixtiraam : Waxaynu xoogga saaraynaa in ay caddaadaan lana fahmo hadalada ama aaraada shakhsiga, lana cubudhin cid gaara ama aan lagu xad gudbin, lagana dheeraado caadifadda, sida darteed is isxtiraamku waa muhim
Su'aashu waa furaha jawaabta: waxaynu isku dayaynaa in doodahayaga ay bud dhig u noqdaan su'aalo iyo canaawin wax ku ool ah si aynu u helno doodo macquul ah oo aynu aqoon, afkaar iyo khibradba ka kodhodhsan karno

Rules

Nidaam Xasiloon

Uma aragno in hadal ka dhexgalka, hadal iska qaadashada, buuq kicinta iyo dhammaan waxyaabaha yaraynaya is maqalka ay inoo horseedi karaan dood guul ku dhamaata. Sidaa darteed lama ogola.

Is Ixtiraam

Waxaynu xoogga saaraynaa in ay caddaadaan lana fahmo hadalada ama aaraada shakhsiga, lana cubudhin cid gaara ama aan lagu xad gudbin, lagana dheeraado caadifadda, sida darteed is isxtiraamku waa muhim

Su'aashu waa furaha jawaabta

waxaynu isku dayaynaa in doodahayaga ay bud dhig u noqdaan su'aalo iyo canaawin wax ku ool ah si aynu u helno doodo macquul ah oo aynu aqoon, afkaar iyo khibradba ka kodhodhsan karno

Last 30 Records

Day Members Gain % Gain
February 10, 2024 28 0 0.0%
December 27, 2023 28 +1 +3.8%
November 14, 2023 27 0 0.0%
October 14, 2023 27 0 0.0%
September 14, 2023 27 +1 +3.9%
August 16, 2023 26 +1 +4.0%
July 14, 2023 25 0 0.0%
June 20, 2023 25 +2 +8.7%
March 19, 2023 23 0 0.0%
March 04, 2023 23 +15 +187.5%

Charts

Some Club Members

More Clubs