🅓︎ᕼIIᘜ🩸🅦︎ᗩᗪᗩᘜ🩸🆃︎ᗴᗩᗰ on Clubhouse

🅓︎ᕼIIᘜ🩸🅦︎ᗩᗪᗩᘜ🩸🆃︎ᗴᗩᗰ Clubhouse
6k Members
Updated: Mar 27, 2024

Description

Walaashay daryeela boqran boqsiya🙏

Hadii noloshu deyr iyo
Dugsi hoy ah leedahay
Darbi dhaxanta celiyaay

Maalmaha duruuftee
Dadku iga fogaadaan
Walaal ila dareentoo
Ila diiqadootaay
Marka ay dedaal tahay
Bashar ila dardaarmoo
Ii dira samaantaay

Anoon dooran karin shay
Dugsigii dhalaanimo
Labiskiyo dirayskaan
Dadka kaga qurxoonaa
Qofka ii diyaarshee
Quruxdayda daartay

Kolka aan xanuun daran
La dayoobo maalmee
Hadba dacal u jiifsado
Qofka iga dul ooyee
Iyadoon digtoor hayn
Daawadayda raadshaay!

Marka aan Xis daalee
Hanku iga daaciifina
Qofka aan la doodee
Diiradayda meel dheer
Degdeg iigu saartaay

Dib dhacaygu ruuxuu
Rasaas kaga darnaayeey
Garbo aan ku duuloo
Ku dawaafo dunidaay

Dadku kala dan weeye
Danaheeda baajay
Iyadoon daruurtiyo
Dusha sare i gaadhsiin
Darmo taan ku ladineey

Duruustiyo tacliintaan
Darajada ku gaadhiyo
Noloshaydan doorkaa
Dumar tii u mudanee
Ka danbaysay guushaay!

Marka aan dal dheer tago
Dabuubteeda tii aan
Degdeg uugu baahdaay

Deeq uu ilaahey
Dadka iiga eexdoo
Deris iiga dhigayeey

Dabka oogta dhamacdaa
Daawaha kulaylka leh
Iyadoon is diidsiin
Dulqaad ruux ku karisoo
Dartay dhuuni aan cuno
Daakiraad u toostee
Miiska ii dul saartaay

Haday iga dareeraan
Dad kuwaan u jecelahay
Taan iga durkaynee
Qalbigayga deganeey

Daacadnimada noolaha
Ruux lagu dul beeraay
Dun xariir u dhalatiyo
Haween dabaqadoodaay

Dabiibaay boqraneey
Walaashay daryeelaay
Taan dabarka waayuhu
Hamigii ka dilenee
Darbiyada adaygaa
Nafta kala dul boodee
Dabci wacan u dhalaatay

Waa iga dardaarane
Ninka dookh jacayl iyo
Kuu galo dareenee
Haween kaa dhex doortana
Deris lagu nagaadiyo
Noqo ruux u diranoo
Loola baxo dedaal badan

Waa daruus u khaasee
Hooyadeen dulqaadkiyo
Kaga dayo astaamaha
Oo dabeecadeediyo
Yeelo dabacsanaantii

Daliilkayga maansadu
Inaan kuu duceeyoon
Kuu dardaarmo weeyee
Damaashaad ku noolow!
Boqran bogsiiya🥰

★ 🅓︎ᕼⒾⒾᘜ🩸🅦︎ᗩᗪᗩᘜ🩸🆃︎ᗴᗩᗰ ★

Rules

KUSOO DHAWOOW KAL IYO LAAB TEAM ZOLA

2:WAXAA REEBAN CAYDA QABYAALASIGA

3:TEAM ZOLA DALACLKAAGA QABSOO HAYS QARAABEYN NALA QOSOL

HAD IYO GOOR WAAYO WAXAAD TAHAYE QAYB MUHIIMA

Last 30 Records

Day Members Gain % Gain
March 27, 2024 6,084 -1 -0.1%
February 06, 2024 6,085 0 0.0%
December 22, 2023 6,085 -1 -0.1%
November 10, 2023 6,086 0 0.0%
October 11, 2023 6,086 0 0.0%
September 11, 2023 6,086 -1 -0.1%
August 13, 2023 6,087 -2 -0.1%
July 11, 2023 6,089 +1 +0.1%
June 18, 2023 6,088 +288 +5.0%
January 08, 2023 5,800 +100 +1.8%
January 01, 2023 5,700 -100 -1.8%
December 28, 2022 5,800 +100 +1.8%
October 30, 2022 5,700 +100 +1.8%
October 10, 2022 5,600 +100 +1.9%
September 25, 2022 5,500 +100 +1.9%
September 06, 2022 5,400 +100 +1.9%
August 27, 2022 5,300 +100 +2.0%
August 14, 2022 5,200 +100 +2.0%
August 01, 2022 5,100 +200 +4.1%
July 26, 2022 4,900 +100 +2.1%
July 13, 2022 4,800 +100 +2.2%
July 06, 2022 4,700 +100 +2.2%
June 30, 2022 4,600 +100 +2.3%
June 23, 2022 4,500 +200 +4.7%
June 17, 2022 4,300 +300 +7.5%
June 10, 2022 4,000 +200 +5.3%
June 03, 2022 3,800 +100 +2.8%
May 28, 2022 3,700 -100 -2.7%
March 12, 2022 3,800 +277 +7.9%
November 18, 2021 3,523 -2 -0.1%

Charts

Some Club Members

More Clubs